DHAGEYSO: Maamulka Baardheere Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo ka Wada Hadlay Sugida Amaanka

Waxaa gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kulan gaar ah ku qaatay maamulka degmadaas iyo mdaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo socdaal shaqo ku tagay Baardheere, waxaana ay ka wada hadleey qodobo muhiim ah oo ku aadan amaanka iyo dagaalka Alshabaab.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baardheere Ismaaciil Sheikh Cabdi Qorax ayaa Radio Dalsan uga waramay kulankaas, iyo waxyaabihii looga hadlay, waxaana uu sheegay in qodobada laga hadlay ay ugu muhiim sanaayeen sugida amniga gobolka iyo sidii go’doonnka looga saari lahaa deegaanada qaar ee gobolka Gedo, oo uu xusay in qorshuhu yahay in la furo wadooyinka go’doonsan.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media