Dhageyso:-Ma’aaminsan tahay in 10,kaan Qodob ay u qabsoontay dowladda Cusub?

Maxamed Cabdulalahi Farmaajo,Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Cusub ee Sooamaliya ee uu hoggaamiyo  mudadii dhowrka Bilood aheyd o ay jirtay.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa soo bandhigay ilaa ku dhawaad 10 Qodob kuwaas oo uu sheegay in inta badan ay ku guuleesteen.

1:- joogteynta Mushaaraadka Hay’adaha dowladda sida Baarlamaanka Xukuumada, Madaxda amniga  iyo Shaqaalaha Rayidka.

2:- Ka guul gaarida xakameynta Hubka Sharcidarada ah ee lagu watay muqdisho qaadista Jidgooyooyinka lagu dhibaateynayay Shacabka Soomaaliyeed.

3:- Guulo laga gaaray shirarkii Caalamiga ahaa sida shirkii London,kaas oo lagu guuleestay qorshaha Horumarinta Qaranka.

4:- Xoojinta iyo wadashaqeynta Madaxda maamul goboleedyad dalka kajira.

5:- Dib u hanada Saxiixa kuwa deeqaha ku bixiya Magaca Ummadda Soomaaliyeed awoodaas oo ka maqned Gacanta dowladda.

6:- Dib usoo celinta in uu Shaqeeyo xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho iyo hagaajinta duulimaadayada tooska ah ee Muqdisho ilaa Nairobi.

7:- Dhamestirka dib u hanashada Maamulka Hawada Sooamaliya ka hor dhamaadka Sanadkaan oo la rajeynayo in Gacanta dowladda ay soo gasho.

8:- Guul ka gaarista in ay hehsiis la galaan dhowr Wadan oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed si ay xuriyadooda u helaan.

9:- Dib u habeenta qabka loo maareeyo dhaqalaha soo gala dowlada Federaalka Soomaaliya.

10:- Qamsoomida Shirar gogol xaar u ah dib u heshisiinta dahbta ah ee uu dalkeena u baahan yahay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media