Dhageyso: Laamaha Amaanka oo soo bandhigay Rag ka tirsan Al-shabaab

Afhayeenka Laamaha Amaanka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa soo bandhigay Afar ruux oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qaasim Axmed Rooble ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Ragan oo uu sheegay inay qeeb ka yihiin dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo weeraray Ciidamada Howlgalka Waday.