Dhageyso:-“Kheyre”Cidkasta xaqeeda weey heli doontaa Bilaha soo socda

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Somaaliya ayaa ka hadlay talaabooyinkii ay qaaday dowladdiisa mudadii ay jirtay iyo waxa ay xiligaan hiigsaneyso maadaama Shacabka Somaaliyeed ay ka sugayaan waxbadan oo u baahan in wax laga qabto.

Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Sadaxdii Bilood oo ay jirtay Xukuumaddiisa ay wax badan oo isbedel ah la timid islamarkaana dhaqaalihii dalka laga qaadi jiray ay kordheen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kaloo hadalkiisa intaas ku daray in Shacabka laag doonayo in ay garab sitaagaan dowladdooda islamarkaana ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo una sameyn doonaan kulamo Su’aalo weeydiin ah si Madaxda dowlladda u gutaan wajibkooda qaran.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in cid kastoo kamid ah Shaqaalaha dowladda Somaaliya ay heli doonto Mushaaradka Bilihii la soo dhaafay qaarkoodna ay heleen sida Maarso,Apriil iyo May oo hada dhamaad ah.

Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya ayaa hadalkaan sheegay xili shalay uu Muqdisho uga qeyb galayay kulan lagu taageerayay oo lagu qabtay Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media