Dhageyso:-Khasaarihii ka dhashay qarax ka dhacay degmada Mahadaay oo sii kordhay

Maamulka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay qarax Miino oo Maanta ka dhacay Gudaha degmadaas kaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha degamda Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel aan ka fogeen maqaaxi ay leeyihiin dad shacab ah oo ku taalla gudaha degmada Mahadaad.

Isagoo  ka hadlayay khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa waxa uu sheegay in ay ku dhinteen Sadax ruux halka Todobo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ahaa dad Shacab ah oo Goobta uu qaraxa ka dhacay ku sugnaa.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in qaraxa aysan jirin cid lala eegtay oo ka tirsan dowladda Somaaliya isagoo beeniyay in ay ku geeriyoodeen ciidamo ka tirsan dowladda oo qaraxa lala eegtay.

Ugu dambeen waxa uu ku eedeeyay in qaraxaasi ay ka dambeeyaan Al-Shabaab oo marwalba beegsada Goobaha ay ku badan yihiin dadka Shacabka ah sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media