Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ku goodiyay in Ciidamada Jubbaland ay haatan bilaabi doonaan howlgalo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab iyagoo kaashana Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.
Xasan Ciraaqi oo kamid ah saraakiisha ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay WarBaahinta u sheegay in dagaal dhex maray ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ay ciidamadu guulo weyn ka soo hooyeen islamarkaana ay ku dileen rag ka tirsan Al-Shabaab kuwo kalena ay gacanta ku hayaan.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Jubbaland ay diyaar u tahay ciribtirka Al-Shabaab iyadoo kaashaneysa Shacabka Jubbaland oo ay waxyeelo u geesteen sida u hadalka u dhigay.
Sikastaba hadalka Sarkalkaan aya ku soo aadaya xili habeen ka hor Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Lugloow oo hoostaga Kismaayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka