DHAGEYSO: Jarmalka oo €70 Million u Ballan Qaaday Soomaaliya

Ra’isul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibada dowladda jarmalka Sikmar Gabriyaal oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa la kulamay madaxda dowladda federaalka oo ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa taageerida dowladda Jarmalka ay siiso Soomaaliya.

Inta uu socday kulanka oo dhexmaray ra’isul wasaaraha xukuumada Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibada Jarmalka ayaa looga hadlay dhibaatooyinka Amni iyo tan Abaaraha ee ka jira dalkeena, waxaana uu ballan qaaday wasiir Sikmar Gabriyaal in dowladda Jarmalka ay soomaaliya ugu deeqeyso lacag dhan 70, Milion oo Euro, waxna  looga qabanayo dhibaatooyinka ka jirta dalka, gaar ahaan abaaraha.

Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka ayaa kulanka kadib la hadlay waraabaahinta,waxaana uu sheegay ra’isul wasaare Kheyre in Jarmalka uu ka mid yahay dowladaha taageero Soomaaliya, ayna uga mahadcelinayaan tageerida dhaqaale ay ugu yabooheen Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media