Dhageyso:-Is-qab-qabsi Ka Jira Ciyaartoyda Gobolka Banaadir ku matalaysa Tartanka Galabta ka furmaya Muqdisho

Maamulka degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir ayaa shaaciyay in Sanadkaan tartanka Maamul goboleedyada gaar ahaan Ciyaartoyada Gobolka Banaadir u meteleysay laga reebay Xulka degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye (Shariif Jeeg) ayaa sheegay in markii uu maqlay in laga reebay degmada Xamarweyne uu aad u carooday isla markaana wax walba 4.5 laga dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in degmada Xamarweyne ay joogaan Ciyaaryahano qaali ah oo muhiim u ah xulka Gobolka Banaadir waagii horena Guulo u keeni jiray.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya in ay dib ugu laabtaan qaabkii loo soo xulay Ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Sikastaba Maanta oo jimco ah ayaa la filayaa in Garoonka Kubada Cagta Banaadir Stadium oo ka furmo tartanka Kubadda Cagta Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Codkagudoomiyaha Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media