Dhageyso:-Idiris Dhaqtar”Dowaladda iyagaa ayaa wax ka dhisay hadana duminaya

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Somaaliya ayaa ka ahdlay mowqifkiisa ku aadan xildhibaanadii dhawaan ku shiray dalka kenya kuwaas oo ku mudoobay Kudlad la magac baxday(Horusocod)

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaanadaas Boqolka gaaraya ay yihiin kuwii ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre,waxna ka soo dhisay dowladda Cusub ee Federaalka Somaaliya,Islamarkaana uu la yaaban yahay Xildhibaanada doonaya in ay dowladda ridaan in ay tahay mid qaldan,balse waxaan leeyahay haku fududaanina arintaan ee dowladda waqti siiya si ay usaxdo hadii ay wax qaldamaan.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in isaga uu ka soo horjeedo xildhibaanadaas doonaya in ay dowaldda ridaan islamarkaasna uusan taageersaneyn waxa uuna ugu baaqay in ay arinka ay wadaan jojiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media