Dhageyso:-Howlgal Isbaaro qaadis ah oo ka socda G/Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa howlgal Isbaaro qaadis ah waxa ay ka wadaan tuulooyin hoostaga degaanka leego ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo maalmihii u dambeeysay dadka ku nool ay ka imaaneyso cabasho ku aadan in ay la kulmayaan dad mararka qaar wadada u galaya.

Ciidamada ayaa howlgalada waxa ay ka wadaan inta u dhaxeysa Diyaaradaha Diyaaradaha Bali-Doogle iyo deegaanka leego ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose Abuukar Isxaaq(Alcadaala) oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid ay ku qaadayeen isbaarooyin ay dhigteen Kooxo Burcad ah kuwaas oo dadka dhibaateyn jiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin intii ay howlgalka wadeen  ka hortimid islamarkaana ay ku guuleesteen in ay qaadaan Isbaarooyinkaas.

Hoos Ka Dhageyso War-Bixinta Wariyaheena Maxamed Xuseen Ismaan Ma’da.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media