Dhageyso:-Hooyo iyo Wiilkeeda oo kamid noqday dadkii ku dhintay qaraxii Galabta

Waxaa weli faah faahino dheerad ah ay ka soo baxayaan qarax Ismiidaamin ahaa oo gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay afaafka hore ee dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa mid gaari loo adeegsaday ayaa waxa uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla Agagaarka Dekadda Weyn ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Shirkadda SomaliFruit oo ku dhegan Dekadda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ilaa 5 qof halka 6 kale ay ku dhaawacmeen,waxa uuna sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan Hooyo iyo wiilkeeda oo ka shaqeynayay Maqaaxida.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hada ah mid degan waxaa xiray oo u diidaya in ay dadka tagaan Ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya oo Goobta ku sugan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeen Xalane.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media