Dhageyso:-Hir-Shabeelle xalkasto waa loo raadinayaa dagaalka Baladweyne

Maamulka Hir-shabeelle ayaa weli Wada qorsho uu ku joojinaayo dagaal beeleedyadii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Galbeedka magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,dagaalkaas oo geestay khasaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wasiirka Ku xigeenka arimaha dastuurka iyo dib uheshiisiinta maamulkaa Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Sheegay in inta badan kulamo gooni gooni ah ay la qaateen Guddi loo xilsaaray xalinta dagaal beeleedyadaas lagu guuleestay in xabada la joojiyo islamarkaana ciidamadii dagaalamay lakala qaado haatana uusan Galbeedka Baladweyne ka socon wax dagaal ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in sababta dagaal beeleedyada ay ugu soo laab laabtaan baladweyne ay tahay isqabqabsi dhinaca dhul daaqsinka ah taas oo keenta in ay galaan dagaal khasaaro geesta.

ugu dambeen Wasiirka ayaa ugu baaqay in Beelaha dagaalka uu dhex maray ay miiska wadahadalka waxkasta ku dhameeyaan islamarkaana Maamulka Hir-Shabeelle uu garab ku siin doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasirka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media