Dhageyso: Hanti dhowraha qaranka oo ku baaqay in gobolka Banaadir dib u soo celiyo iskuuladii uu lahan jiray

Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha qaranka ayaa ku baaqay in gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee dalka ay dib u howlgaliyan iskuuladii ay maamuli jiren ee bixin jiray waxbarashadii bilaashka ahayd.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in uu jeclan lahaa in gobolada wax laga weydiiyo sido kale tayada waxbarashada isaga oo sheegay in loo baahan yahay in carruurta oo dhan ay helan waxbarasho ay u siman yihiin.

Hadalkiisa ayaa yimid iyada oo aysan weli jirin iskuulo nidaami ah oo ay dowlada maamusho ardaydana ay bilaash wax uga bartan.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u bilawday mashruuca Aada Dugsiyada oo ay wax ku baran jiren arday badan balse meesha ayuu isaganii ka baxay markii dambe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor