Dhageyso:-Guddoonka Golaha Shacabka Oo Bogaadiyey Hawlgallada Xasilinta Amniga Caasimadda

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kormeer u kuurgelid ah ku tagay xarunta dembi baarista Ciidammada Booliiska ee CID ayadoo kormeerkana ay ku wehlinayeen Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Golaha Shacabka waxaana halkaasi ay warbixinno kaga dhageysteen Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Kulammada iyo kormeerka kadib hadal uu Warbaahinta siiyey Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu ugu horeyn tacsi ugu diray shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii  lagu qaaday maqaayadaha Posh iyo Pizza House ee magaalada Muqdisho waxaana uu caadimaad u rajeeyey dadkii falkaasi ku dhaawacmay isaga oo inta dhimatayna Alle uga baryey in naxariistiisa jano uu siiyo.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad  Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu bogaadiyey hawlgallada ay magaalada Muqdisho ka wadeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu xasilinayo Caasimadda dalka waxaana uu ballan qaaday ka Gole Shacab ahaan iney garab taagan yihiin Ciidammada Qaranka si ay waajibaadkooda u gutaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media