Dhageyso:-Guddiga Gurmadka abaaraha oo bilaabaya la xisaabtan

Guddiga Gurmadka abaraha Somaaliya ayaa Maanta Shaaciyay in ay dhawaan bilaabi doono Wariijinta Lacago loogu talo galay Maamulada ka jira dalka kuwaas oo loo baahan yahay in ay gaarsiiyaan dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Gobolada Maamul Goboleedyada.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,oo kamid ah Guddiga abaaraha Qaran ayaa sheegay in dhawan gdduga Gurmadka abaraha uu qorsheynayo in lacag dhan 200 oo kun oo dollar uu gaarsiiyo Maamulada ka jira dalka islamarkaana Guddiyada ka dhisan ay ku wareejin doonaan.

Sidoo kale Sheekh Nuur,waxa uu soo bandhigay lacagihii soo galay tan iyo markii la dhisay iyo halkii ay ku bxixiyeen waxa uuna sheegay in sidii loogu talo galay ay lacagtii soo gaartay ku baxday.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in ay bilaabi doonaan baaritaano ku aadan sidii lagu ogaan lahaa in la gaarsiiyeey lacagtii ay horay u bixiyeen dadkii loogu talo galay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media