[Dhageyso]:- Ganacsato ku hanti beeshay dabkii qabsaday suuq Boocle.

Fiidnimadii xalay aya dab xoogani waxa uu ka kacay suuq ku yaal degmada Dharkenleey ee magaalada Muqdisho oo lagu magaacabo suuq Boocle.

Dabka aya sida la xaqiijiyay ka kacay qeybta lagu iibiyo dharka,waxana ku buburay guryo ganacsi oo aad u tira badan.

Qaar ka mida dadkii hantidoodii ku wayay oo la soo xiriiray idacada Dalsan ayaa shegay in hanti ay tabcayeen waqti dheer dadaal badana ay geliyeen in maanta ay ka fara maranyihiin,maamulka degmada ayay ku dhaliileen in uu ka hor istagay in ay badbadsadaan wax uun ka hor inta uusan dabku ku soo faafin goobahooda.

Halkaan ayaad ka Dhageysan Karta Codka

Codka Haweney ganacsata ah

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor