DHAGEYSO: Galmudug oo Sheegtay In Maxkamad La Soo Taagi Doono Rag Lagu Eedeeynaayo Kufsi

Taliska ciidamada booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay inay dhawaan maxkamada hor keeni doonaan rag gaarayo tiro ahaan Shan oo lagu eedeynayo inay kufsi u geysteen gabar 15-jir ahayd.

Taliyaha booliska ee qeybta gobolka Mudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Shantaasi ruux  oo kufsi  iyo jir dil  ugeestay gabar da,deedu uu ku sheegay 15- jir, laguna kufsaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana intaasi uu ku daray in raggaasi ay kala yihiin 4 geysatay falka iyo midka shanaad oo uu sheegay taliyuhu in gurigiisa lagu kufsaday, kuwaasi oo dhawaan maxkamada ay soo taagi doonaan

 Halkaan hoose ka dhageyso Codka.