Dhageyso:-Gabar Reer Hargeyso ah oo Ciqaab xooggan u martay Wiil ay Caashaqday

Hoodo Muqtaar Yuusuf oo waqtigaan ku sugan M/Hargeysa waxa ay xariga iyo Jirdil kala kulantay reerkeeda kadib markii ay ku eedeeyeen in ay guursatay Nin aan u qalmin oo ka soo jeeda Reer Gabooyo ah ama Midgaan sida ay Reerka Gabadha sheegeen.

Hoodo ayaa sheegtay in Wiilka madaxiisa loo jirdilay ay si qarsoodi ah ay isku qabeen mudo Sadax Bilood ah balse markii ay reerkeda ogaadeen jirdil xun iyo xarig loo geestay kaas oo dhaawaca soo gaaray jirkeeda uu ka muuqanayay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Roodo

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Hargeysa ayaa iyana dhacdadaan ku tilmaamay mid ay aad uga xunyihiin islamarkaana ay tahay wax lal yaabo Dhaqan ahaan iyo Diin ahaana ka soo horjeeda.
Waxay Odayaashaan ugu baaqeen Culumada ku nool deegaaanada Somaaliland in dhacdadaan  ay jawaab ka bixiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Odayaasha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media