Dhageyso:-‘Gaas”Al-Shabaab iyo Daacish waan u diyaar garoownay

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa ka hadlay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo qorsha uga degsan kooxda Daacish oo sheegatay masuuliyiyada qaraxaas khasaaraha geestay.

Mudane Gaas,ayaa sheegay in guud ahaan deegaanada Maamulka Puntland laga saari doono Daacish iyo Al-Shabaab islamarkaana Ciidamada Puntland ay haatan diyaar u yihiin in ay iska sifeeyaan waxa uu ugu yeeray Cadowga Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas,ayaa soo hadal qaaday dalabkii ahaa in Xildhibaaanada Puntland kordhin lagu sameeyo ayaa waxa uu sheegay in Go’aanka ay leeyihiin Xildhibaanada islamarkaana arintaas uu kala hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Gaas,waxa uu sheegay xili Maalmo kadib uu Maanta ku soo laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas.