Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in haatan Puntland ay wajaheyso caqabado dhowr ah islamarkaana duulaan lagu soo yahay.
Waxa uu sheegay in Puntland ay utashadeen waxa uu ugu yeeray Al-Qaacida iyo Al-Shabaab balse ay Puntland u diyaarsan tahay sidii ay iskaga difaaci la haayeen.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday dagaal beeledyada ka soo cusboonaaday Gobolka Mudug,waxa uu ugu baaqay Shacabka Gobolka Mudug in ay Nabada ka shaqeeyaan.
Cabduweli Maxamed Cali Gaas,oo shir Jaraa’id uu ku qabtay magaalada Boosaaso ku faah faahiyay arimo badan ayaa ugu dambeen Shacabka puntland ugu baaqay in ay Nabada ka Shaqeeyaan Ciidamada amnigana Gacan siiyaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.