Dhageyso: Farmaajo oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalada u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug ee ku soo noq noqday Gaalkacyo.

Waxa uu ugu baaqay Maaamulada Galmudug iyo Puntland iney dhowraan wada noolanshaha Dadka degan Koonfurta iyo Waqooyga Gaalkacyo.

Farmaajo ayaa sheegay in imminka aan loo baahnayn in Dagaalo lagu barakiciyo Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Farmaajo ayaa ka hadlay arrinta Doorashada 2016ka iyo hamigiisa Doorasho.

Halkan hoose ka dhageyso:

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor