Dhageyso:-Faa’iidooyinka ay leedahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan

Afhayeenka Gollaha Culimada  Soomaliyeed Sheekh C/qaadir Soomoow oo la hadlay Radio Dalsan Muqdisho ayaa ka hadlay fadaa’isha iyo kheyrka ay leedahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxa uu marka hore Shacabka Somaaliyeed uga hambalyeeyay Bisha Barakeysan ee Caawa inoo dhalatay isagoo Eebe ka baryay in Sanadkaan kiisa xiga Nabad iyo Barwaqo nagu gaarsiiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Tobanka hore ee Bisha Ramadaan uu yahay Naxariis Alle Xagiisa uga imaaneysa dadka Sooma ee Waajibka Alle saaray ka soo baxa.

Tobanka Dhexe  ayaa waxa uu ku sheegay in uu yahay mid qof walba oo Sooma la dhaafay dambiyadii uu galay.

Ugu dambeena waxa uu sheegay in Tobanka Maalmood ee ugu dambeeya uu yahay waqtigii Alle Adoomadiisa uu Naarta ka xureyn lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media