Dhageyso:-Faah faahin qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne+Sawirro

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidamin ah oo ka dhacay Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiraan ,kaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Koontoroolka laga galo Xarunta maamulka gobolka Hiiran ayaa waxaa la sheegay in qof isku soo xiray waxyabaha qarxa uu isku qarxiyay.

Ku dhawaad 5 Ruux ayaa qaarxaas ku geeriyootay halka dhawacuna uu intaas ka badan yahay oo ay ku jiraan Saddex ka mid ah Wariyaasha ka howlgalla Magaalada Baladweyne.

Duqa degmada Baladweyne Cali dhuux Cabdi Mahad-Alle oo Dalsan la hadlay ayaa sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxas balse ay iminka ku howlan yihiin baaritaano dheeraad ah iyo gurmad ay sameynayaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Duqa Magaalada Baladweyne kana Daawo Sawirrada

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media