(DHAGEYSO):-Faah-faahin ka soo baxeysa haween ciidanka Liyuu Boolis ay ka afduubteen qeybo kamid ah G/Galgaduud

Maxamed Cali Tahliil oo wareysi siiyay Idaacada dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidan ka Liyuu Boolis aya wateen ilaa iyo 2-qof oo dumar ah oo sida uu sheegay ay ku jirto hooyadiis oo da,ah.

Degmada Galin-soor ee gobalka Gal-gaduud ayaa waxa uu sheegay in ciidankaani ay ka afduubteen Haweenkaan isla markaana aan aqoon halka loo xixeystay waxaana uu ku baaqay in la ixtiraamo dadaka la heysto.

Maxamed Calia Tahaliil ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diraya Maamaulka Galmudug isaga o sheegay in ay xoriyadooda ay dib ugu soo celiyaan Hooyadiis iyo dadka kale ee ay xoogga ku kixeysteen Ciidanka Liyuu Boolis.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media