Dhageyso:-Dr,Axmed Khaliif”Isbitaalka Bishii waxaa la keenaa in kabadan 50 ruux

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa faah faahin ka bixiyay dad saacadihii u dambeeyay Cudurka Jadeecada ugu geeriyooday tuulooyin ka tirsan Gobolka hiiraan halka qaarkood ay iminka Isbitaalka la jiifaan.

Axmed Maxamed Khaliif Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ayaa sheegay in Isbitaalka saacadihii la soo dhaafay ay cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen,in ka badan 4 Ruux halka kuwo kale ay weli tuulooyinka u ku haayo cudurkaas.

Waxa uu sheegay in weli abaartii ka dhacday  Guud ahaan gobolka hiiraan,ay sababtay nafaqo daro haatana ay Isbitaalka cudurkaas ay la jiifaan Caruur gaareysa ilaa 20 Caruur ah.

Sikastaba Cudurada Jadeeca iyo shuban-biyoodka ayaa maalmihii u dambeeyay ka dilaacay qeybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya iyadoona Cuduradaas ay dad badan u geeriyoodeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media