Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) wasiirka Arimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay mowqifka Maamulka Puntland ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in hadii ay yihiin Madaxda Maamulka Puntland ay aad u atgersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana dowladdii tan ka horeysay ay ka waayeen xaquuqdii ka maamul ahaan ay ku la haayeen,waxa uuna yiri”
“Dowladda hada jirta ee Farmaajo,iyo Kheyre waan taagersan nahay laakin anaga dowladdii tan ka horeysay ayaa na dulmisay oo aan ka weynay xaqeenii,waxayna noo aheyd sacii cirka kasoo dhacay ee Dhurwaaga nagu noqday, laakin tan hada jirto rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa ayuu yiri Axmed Karaash”
Maamulka Puntland ayaa horay u dhaliili jiray dowladdii uu hoggaamin jiray Xasan Sheekh Maxamuud waxana xusid mudan iyo dhowr mar Garoowe lagu qabtay shir lagu dhex dhexaadinayay maamulka Puntland iyo dowladii uu madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoos Ka Dhageyso Codka