Maamulka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka hadlay sababaha soo celceliya qaraxyada mar walba ka dhaca gudaha degmadaas kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaarto dadka Shacabka ah ee ku nool degmadaas.
Axmed Xuseen Afrax Gudoomiyaha degmada Mahadaay oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in xaalada degmada ay tahay mid la iloobay islamarkaana aysan jirin wax howlgal ah oo laga sameeyo.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in degmada Mahadaay ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom kuwaas oo Goobtii loogu talo galay aan ka dhaqaaqin islamarkaana Ciidamada dowaldda Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi aysan aheyn kuwo ku filan amniga in ay xaqiijiyaan sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka gudoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Xuseen Afrax ayaa imaanaya xili gudaha degmadaasi Shalay uu ka dhacay qarax ay waxyeelo ka soo gaaratay dad Shacab ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka