DHAGEYSO: Dibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Dowladda oo Maanta Ka Dhacay Magaalooyinka Hirshabeelle 

Waxaa maanta banaanbaxyo waa weyn ay ka dhaceen deegaanada uu ka arrimyo maamulka Hirshabeelle, waxaana looga soo horjeeday, go,aanka ay dowladda ku joojisay diyaaradihii qaadka ee magaalada Jowhar, kadib dhowr maalin oo ay diyaaradahu ka dageen magaaladaas.

Magaalooyinka Jowhar, Baladweyn, Balacad iyo Mahadaay ayay ka dhaceen dibad-baxyadu, waxaana isugu soo baxay boqolaal dadweyne oo diidanaa go,aanka ka soo baxay dowladda.

Qaar ka mid ah madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dibadbaxyadaan, waxaana ay sheegeen inay ka xunyihiin warka ka soo baxay dowladda dhexe, islamarkaaana eysan ogolaan doonin in lagu soo xad gudbo maamulkooda.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.