Dhageyso:-Dhalinyarada Soomaliyeed oo Shaqa Abuur loo sameynayo

Agaasimaha Wasaaarada Xanaanada Xoolaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ay sameyn doonto qorsho lagu kordhinayo in uu bato ka Ganacsiga Xoolaha Nool ee dalkeena laga dhoofiyo.

Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya hada Xoolaha looga dhoofiyo Wadamada Khaliijka kaliya balse ay qorsheynayaan in Wadamada kale ay kamid noqdan kuwa Xoolaha looga dhoofiyo dalka Soomaaliya.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradu ay sidoo kale qorsheyneyso in ay Shaqa abuur u sameyso dhalinayarada Soomaaliyeed hadana ay jiraan Shaqaale ku Shaqeesta dhoofinta Xoolaha Nool kaliya balse ay jiri doonaan kuwaas oo  ka Shaqesta Aruurinta lafaha habeynta Maqaarka iyo waliba waxyaabo badan oo muhiim ah.

Hadalkaan ayaa Agaasimaha waxa uu ka sheegay Munaasabad tababar loogu furayay Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaarada.

Hoos Ka Dahgeyso Codka

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2017/06/hadalka-agaasimaha-Xanaanada.docx

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media