Dhageyso:-“Dalxa”Illaahey dhul Wanaagsan ayuu idin dejiyay balse dagaal ayaad gasheen

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa,oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal beeleedyadii soo laab laabtay oo Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo kamid ah tuulooyin hoostaga degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado in beelahaas ay xiligan wada dagaalamaan islamarkaana uu dagaalkooda uu gaaro waqti ay Guryaha iska gubaan islamarkaana dalagayda Beeraha ka soo baxa ay sidoo kale ay banaanka soo dhigan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaas uu Illaahey Aduunka uu meel wanaagsan ka dejiyay islamarkaana dhulkooda u yahay mid Kheyraad badan uu ku jiro loona baahan yahay in ay ka faa’iideestaan.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Xildhibaanka in ay dagaalada joojiyaan islamarkaana wax walba miiska wadahadalka ku dhameeyaan.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay dhowr tuulo oo kamid ah deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan ah mid istaagay kadib markii ay soo kala dhex galeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle taas oo keentay in ay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay deegaanadii lagu dagaalamay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media