Dhageyso:-Dagaal geestay khasaaro oo Caawa ka dhacay Shabeellaha hoose

Gabaldhicii Caawa ayaa dagaal geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya ku leeyihiinTuulooyin iyo deegaano hoostaga degamada lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalayahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisnka ciidanka dowladda Soamaliya waxaana intaas kadib bilaawday dagaal mudo socday oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Deegaanka Shabeellaha Hoose Maxamed Ciise oo la soo xiriiray idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Al-Shabaab Gubeen dhowr Tuulo oo ay deganaayaeen dad Shacab ah kuwaas oo ku yaalla degamada lambar 50.

waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay iska difaaceen Ciidamadu islamarkaana ay ka dileen hal Askari Goobihii ay soo weerareena ay iminka Ciidamadu ku sugan yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media