DHAGEYSO: Dagaal Beeleed Khasaare Geystay oo Maanta  Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku dhimatay Toban kalana way ku dhaawacantay, kadib dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Labi Caano oo hoosyimaada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Maleeshiyo beeleed wada dag degaanka Labi Caano ayaa ku dagaalamay halkaasi, kuwaasi isku heysta aanooyin qabiil.

Xaalada ayaa wali kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in markale dagaal uu ka qarxo deegaankaasi, maadaama ay wali is hor fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radiyo Dalsan uga waramay xiisadaasi dagaal iyo khaasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media