Dhageyso:-Dadkii ka soo cararay dagaaladii ka dhacay Shabeellaha Hoose oo soo gaaray Garasbaaleey

Saacadihii la soo dhaafay waxaa deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho soo gaaray Boqolaal qoys oo ka soo barakacay dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaliya iyo Al-Shabaab ku dhex maray Tuuloyin hoostaga degmada lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee deegaanka Garasbaaleey C/llaahi Cabdi Maxamuud oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in shalay ilaa Maanta deegaanka Garasbaaleey ay soo gaareen in ku dhow 500,oo Qoys oo ka soo cararay dagaaladaas.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dadkaay ay iminka yihiin kuwo aan wadan wax raashin ama dhar ah islamarkaana ay jiifaan dhul banaan ah kuna dhaceyso Cadceeda Maalintii iyo dhaxanta xiliyada Habeenkii sidoo kalena ay heestaan duruufo kala duwan.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya iyo Hay’addaha Gargaarka ah in y dadkaasi gurmad la soo gaaraan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media