Dhageyso:- Dad Xoolo dhaqato ah oo lagu dilay Gobolka Mudug

Maleshiyaad hubeysan ayaa deegaan ka tirsan gobolka mudug waxa ay ku dileen Sadax qof oo Shacab ah kana mid ahaa dadka xoola dhaqatada ah ee ku noolaa deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.

Kooxdii ka dambeysay dilka dadkaas ayaa goobta ka baxsataday waxana degaano ka tirsan goblka Mudug maalmahaan ka taagnaa xiisad dhalisay Gacan ka hadal oo u dhaxeeysay Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Nabadoon Jaamac Maxamuud Cali oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Mudug oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xaruntiisa Muqdisho ayaa sheegay in dilkaan ay ka dambeeyeen Ciidamo watay Gaadiidka dagaalka kuwaas oo durbadiiba goobta isaga tagay.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Xiisad kacsanaan ah ay weli ka jirto halkii uu dilka ka dhacay,islamarkaana dagaaladaas iyo dilalka ka dhacaya Gobolka Mudug ay ka aamuseen dowladda Federaalka Somaaliya iyo madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media