Dhageyso:-Dad karfan la’aan lagu aasay degmada Kaxda ee M/Muqdisho

Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa gaajo iyo daryeel la’aan ugu geeriyootay xero barakac oo ku taalla degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir,kuwaas oo aan helin daryeelkii loo baahnaa ee dhanka gurmadk ah.

Qaar kamid ah barakacayaasha ku nool xeradaaas oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in haatan dadka ku nool Xerooyinka ku yaalla degmada Kaxda ay heysato nololxumo tii ugu darneed islamarkaana aysan jirin cid u gurmatay.

Waxay kaloo sheegeen dadkaas in haatan xaaladu ay mareyso in qofkii ka geeriyoodaa ay aasan Karfan la’aan sababo la xiriira in ay waayeen lacagtii ay ku soo iibin la haayeen Karfanta.

Dadka la soo xiriiray Idaacadda Dalsan oo aad hadalkooda ka dareemeysay dhibaatada heysata ayaa waxay ka codsadeen dowladda Somaaliya Maamulka Gobolka Banaadir in ay gurmad la soo gaaraan maadaama xaaladooda ay iminka tahay mid aad u xun.

Hoos Ka Dhageyso Codka Barakacayaasha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media