(Dhageyso) Dad abaarta darteed ugu dhintay duleedka Muqdisho iyo Gurceel

xili dalsan ay siyaabo kala duwan ugu xaqiijiyeen dad ku sugan duleedka magalada Muqdisho iyo dagmada Gurceel halkaa oo inta badan ay gaareen dadka ay abaarta sida aadka ah u saameesay.

mid kamid ah kaamamka ku yaala duleedka magalada Muqdisho ayaa shaley waxaa soo gaaray qoosas ay saameesay abaarta mid kamid ah dadkaas ayaana maqrinimadii caawa ku dhintay kaamka ay ku sugnaayeen dadkaas, sidaasna waxaa Dalsan u xaqiijisay Xaawo Cali Maxamed oo dadkaas dib udajin u sameesay.

Halkan hoose ka dhageyso codka Xaawo

dhinaca kale wararka aan kaheleeno dagmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ku dhawaad 5-ruux ay ku dhinteen kaam ku yaala duledka magaladasi.

dadka dhintay ayaa waxa ay kamid ahaayeen dad barakacyaal ah oo abaarta ay saameesay.

C/laahi Maxamuud oo kamid ah dadka ku sugan Gurceel booqdayna dadkaas ayaa Dalsan u xaqiijiyay arinka wuxuuna sidoo kale sheegay in ay aad u liidato xalada dadka kale ee soo gaaray Gurceel.

Halkan hoose ka dhageyso codka C/laahi

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media