DHAGEYSO: Dabkii Qabsaday Suuqa Bakaaraha oo La Damiyey

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo gabi ahaan dabkii goor dhaweyd kakacay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan meel waxyar u jirta, halkii uu dhawaan kakacay dabkii xooganaa ee waxyeelada badan geystay.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in la bakhtiijiyey dabka oo ay sheegeen in gawaarida dabdamiska gobolka Banaadir iyo kuwa Shirkada Hormuud ay ku guuleysteen daminta dabkaasi, waxaase ganacsatadu ay tilmaameen inuu ka yaraa khasaare ahaan iyo xoogiisa kii dhawaan qabsaday Suuqaaasi.

Halkaan hoose ka dhageys Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media