DHAGEYSO: Cudurka Shubanka oo Ka Dilaacay Degmada Cadale

Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeellaha dhexe, gaar ahaan degmada Cadale ayaa ku waramaya inuu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo saacadihii la soo dhaafay soo ritay in ka badan 10 ruux.

Wasiirka Caafimaadka daryeelka hooyada iyo dhalaanka maamulka Hirshabeelle Axmed Cabdikariin Maxamed ayaa Radio Dalsan u sheegay in cudurka shubanka uu soo ritay 13-ruux oo ku nool degmada Cadale iyo deeganada ku dhow ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana uu tilmaamay inaysan lahayn deegaanadaas wax adeeg caafimaad ah.

Wasiirka ayaa ku baaqay in loo gurmado dadkaasi, islamarkaana lala gaaro gurmad daawo, si loo bad baadiyo dadka u dhimanaya cudurka shubanka oo ku soo laa laabtay deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe.

Halkaa hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media