Dhageyso:-Ciidamadii shalay ku dagaalamay Baladweyne oo la sheegay in talaabo laga qaadayo

Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Gobolka hiiraan ayaa shaacisay in talaabo cad laga qaadi doono Ciidamadii shalay ku dagaalamay Xaafada Xaawo-Taako ee Galbeedka Magaalada Baladweyne Xarunta gobolka hiiraan.

Cabduqaadir Maxamed Cabduqadir oo ah xeer ilaaliyaha qeybta 21,aad ee  Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaaliya oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Baladweyne uu ahaa mid Maleeshiyaad hubeysan ay weerareen fariisin ciidanka dowladda Somaaliya ay ku leeyihiin Gudaha Magaalada Baladweyne.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Somaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ay wadeen howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka isbaaarada dhigta islamarkaana kuwii shalay dagaalka lala galay ay ahaayeen Maleeshiyaad jidgooyooyin u taalay Galbeedka Baladweyne sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgaladii u dambeeyay lagu soo qabtay dad hubeysan oo isbaarooyin u yaalla qeybo kamid ah Gobolka hiiraan islamarkaana iyaga iyo maleeshiyaadkii shalay ka qeyb qaatay dagaalka ay maxkamad la tiigsan doonaan.

Macada sida ay suurtagalka ku noqon karta in la soo qabto Maxkaamdna lahorgeeyo ciidamo hubeysan oo la dagalamaya Ciidamada dowladda Somaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media