Dhageyso:-Ciidamada Soomaaliland oo Xabsiga dhigay Nin u dhashay dalka Yaman

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa Xabsiga u taxaabay Nin u dhashay dalka Yaman kaas oo la sheegay in uu furtay Goob Caafimaad oo lagu daweynayo dadka qaba cudurka Shuban-biyoodka.

Soomailand ayaa ninkaan waxa ay ku eedeeysay in uu Xarun caafimaad ka furtay Magaalada Burco iyagoo horay u mamnuucay in Goobo gaar ah lagu daweeyo cudurkaas sida uu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Yuusuf Dira Cabdi.

Soomaaliland ayaa horay u sheegtay in hal goob oo kaliya lagu daweyn doono cudurka Shuban-biyoodka kaas oo ka dilaacay inta badan Gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burca iyadoona mamnuucday in goobo Caafimad oo si gaar ah loo leeyahay la furto.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media