Dhageyso: Ciidamada Puntland oo Howlgalo ka sameeyay Gaalkacyo

Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ayaa xalay ka sameeyay Howlgal dad badan lagu soo qab qabtay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa lagu soo qab qabtay ku dhawaad 194 ruux oo ay ku jiran 4 dumar waxa dhamaantood lala xiriiriyay amni darada Magaalada iney ku lug leeyihiin.

Dadkan waxa lagu kala xiray seddex saldhig oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha  Ciidamada Birmadka Puntland Ee Magaalada Gaalkacyo Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gibigibi)

Warbixintan waxa Gaalkacyo inooga soo diray Wariyaha Radio Dalsan Ee Gobolka Mudug Xuseen Afrax,Halkan hoose ka dhageyso Warbixintiisa:-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor