Dhageyso:-Ciidamada ilaalada Madaxda dowladda oo loo sameyn doono Astaan gaar ah

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya C/xakiin Daahir(Saacid) ayaa sheegay in la bilaabi doono diiwaangelinta Ciidamada ilaalada u ah Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya si loo yareeyo Ciidamada tirada badan ee lagu arko Gudaha Magaalada muqdisho.

Waxa uu sheegay in Xafiis Ciidamadaas lagu diiwaangeliyo laga furayo Magaalada muqdisho islamarkaana masuuliyinta dowladda ha ahaadaan xildhibaanada Golaha Wasiirada iyo waliba dhamaan masuuliyiinta in ilaaladooda ay mudo 48 Saacadood ah ku diiwaangeliyaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in cidii aan la diiwangelin ee lagu arko iyadoo Muqdisho ku dhex wadata qori iyo tuutaha ciidanka talaaba cad laga qaadi doono.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in la sameyn doono Astaan gaar u ah Ciidamada ay wataan madaxda dowladda Soomaaliya si amniga uu u noqdo mid hagaaga.

Hoos Ka Dhageyso Codka taliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media