DHAGEYSO: Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanadii lagu Dagaalamay ee Shabellaha Hoose

Wararka naga soo gaarayo deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in ciidamda dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta degaano ka mid ah gobolka oo ay hore u maamulayeen Alshabaab.

Deeganada lagu dagaalamay ayaa kala ah Kibili, Buufow iyo Kabtanaas, oo ku dhow degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lagu soo waramayaa inay la wareegeen ciidamada dowladda, kadib dagaal ay la galeen Alshabaab.

Wariyaha Radio Dalsan ee Shabeellaha hooose Maxamed Xuseen Cismaan Ma’daa ayaa la hadlay qaar ka mid ah dadka deedaanka, waxaana ay xaqiijiyeen in ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen deegaanadaas.

Dhinacakale wararka laga helayo magaalada Baraawe ee gobolkaasi ayaa ku waramaya in ciidamada AMISOM ee ku sugan degamadaasi  ay maanta ku dileen dad shacab ah oo an waxba galabsan, sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugaan  magaalada Baraawe, waxaana AMISOM markale degaanka Wareer male, ku dileen laba ruux oo ay midi aheyd Haweeneey, kuwaasi oo ka mid ahaa rakaab saarnaa gaari Hoomeey oo halkaasi marayey, iyadoo laba ruux oo kalana ku dhaawaceen degaankaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media