Dhageyso:-Caqabada ka dhalan karta Isticmaalka qaab Milateri ee Dekadda Berbera

Xili malin kahor Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaaliland Sacad Cali Shire uu  sheegay in Imaaraadka ay Saldhig Berbera u isticmaali karaan ujeedo kasta oo ay ku jiraan, tababarka, ilaalinta badda iyo howl galada Milateri iyadoona durbaba ay taasi keentay inay ka hadlaan xeeldheerayaasha dhinaca amaanka waxayna ku tilmaameen mid gobolka ku keeni karta xasilooni daro.

Cabdi Xaliim ibraahim oo ah bare Jaamacaddeed kana faalooda arimaha Siyaasada iyo amniga ayaa sheegay in laga dhaxli karo caqabad amni hadii Saldhiga Barbara ciidamada imaaraadka ay u adeegsadaan goob ay ku duulaan xilli  Berbera ay 250 KM u jirta koofurta Yemen halkaasoo  ay ka dagaalamaan  Jabhadda Xuutiyiinta.

Saldhigga ayaa wali ku socda dhisme, hase ahaatee maraakiibta dagaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa mar dhoweyd ku soo dhowaaday biyaha Berbera, gaar ahaan meel u dhow Dekeda oo dhowaan lagu wareejiyay Shirkadda DP World ee imaaradkla Carabta

Xalay ayaa waxaa Dekadda Magaalada Berbera soo gaaray Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta kaas oo sida la sheegay sida Shixnad Gargaar ah oo loogu talo galay dadka ay abaartu saameysay eek u nool deegaanada Maamulka Somaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media