Dhageyso:-Cameey”Beesha Caalamka balanqaad kasta weey nooga baxaan

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland CabdiXakiin Xaaji Cumar (Cameey) ayaa ka hadlay sababaha ay Al-Shabaab uga saari la yihiin deegaano ka tirsan Buuraha Galgala oo mudo dhowr Sano ah ay kula dagaalamayaan Ciidamada Puntland.

Mudane Cameey,ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ay tahay in marka hore Wadamada taageera arimaha Somaaliya aysan daacad ka aheyn la dagaalanka Al-Shabaab islamarkaana ay mar walba kaliya afka uun ka sheegayanayaan Gacansiinta Somaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday doorashada la filayay in Sanadkaan ay ka dhacdo Maamulka Puntland waxa uuna sheegay in aysan doorashadaas dhici doonin sababo badan oo la xiriira in aan loo heynin dhaqaalihii ku bixi lahaa Doorashadaas Beesha Caalamka oo mar walba balanqaad sameysana ay uga baxeen.

Hoos Ka Dhageyso Cameey

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media