Dhageyso:-‘Cali Guudlaawe”Dhibaatooyinkii weli weey ka jiraan Hir-Shabeelle

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlawe) ayaa ka hadlay xaalada ay ku nool yihiin Bulshada ku nool deegaanada uu ka aarimiyo Maamulka Hir-Shabeelle waqtigaan.

Cali Guudlaawe,ayaa sheegay in dhibaatooyinkii dhanka abaareed ee ka jira deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ay weli taagan yihiin balse laga gudbay Biyo la’aantii jirtay haatana dadka qaarkood ay la yihiin raashinkii ay Cuni la haayeen.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Somaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle in ay iscaawiyaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweye ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle waxa uu sheegay xili Shalay Guddiga Gurmadka abaaraha Somaaliya ee Heer Qaran ay kala wareegeen deeq lacag ah oo loogu talo galay dadka ay abaartu saameysay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media