Dhageyso:-Bil Gudaheed oo Cudurka Shuban-Biyoodka uu ku dhacay dad gaaraya 900,oo ruux

Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Maamulka Soomaaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiyeayaa booqday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyoodeen ilaa in ka badan 10 ruux.

Wasiirka Caafimaadka Maamulka Soomaaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” ayaa sheegay in Wasaarada Caafimaadka iyadoo kaashaneysa Shacabka Soomaaliland ay ku guuleesteen in 19 tuulo oo uu Cudurkaas ka dilaacay in ay ka hortagaan islamarkaana haatan ay doonayan in ay ka joojiyan Magaalada burco.

Waxa uu sidoo kale ahdalkiisa intaas ku daray in Cudurkan uu haleelay dad ka badan 9000,oo ruux uu ku dhacay qaarkoodna ay u geeriyoodeen balse Wasaaradu ay iminka qorsho u dejisay.

Hoos Ka Dhageyso Codka