DHAGEYSO: Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Dhageysanaya Khudbadaha Musharaxiinta

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in khudbadahooda ku aadan waxqabadka ay ka hor jeediyaan baarlamaanka maamulkaasi, una weydiistaan codka Kalsoonida.

Waxaa u sharaxan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac, Ex Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif Cali Hilowle, waxaana seddexdaasi musharax ay hotagi doonaan maanta baarlamaanka, si ay usoo bandhigaan waxqabadkooda.

Xildhiibaan Maxamed Xassan Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada ayaa Radio Dalsan u sheegay inay maanta xubnaha baarlamaanka dhageysan doonaan khudbadaha musharaxiinta, islamarkaana 3- may ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Galmudug

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media