DHAGEYSO: Arrin Mucjiso oo Lagu Arkay Guri Ku Yaala Dharkinley Iyo Wax Aan loo Jeedin oo gubaya!

Dhacdadaan oo ah mid qariib ah ayaa ka dhacday degmada Dharkiinley gaar ahaan guri ku yaala Xaafada Kaawa Godeey, waxaana Afartii bilood ee la soo dhaafay dadka dagan gurigaas ay dhibaato ku qabeen wax aan loo jeedin oo mararka qaar dagaal loo adeegsado dhegxaan iyo baangado kusoo qaada dadka dagan guriga.

Cabdiqaadir oo ka mid ah dadka dariska la’ah guriga ay dhibaatadu ka dhacday ayaa Radio Dalsan u warmay, waxaana uu sheegay in kooxo aan loo jeedin ay dhibaato ku hayaan dadka g dagan guriga, oo uu tilmaamay inay gubayaan qaar ka mid ah alaabta taala.

Dhacadadaan oo mid layaab leh ku noqotay dadka dagan Dharkiinley ayaa isugu soo baxay xafadu ay ka dhacday dhacdadaas, waxaana la sheegay inay tageen ciidamada amaanka ee degmada, islamarkaana ay la kulmeen dhegxaan iyo baangado oo aan la aqoon meel ay ka yimaadeen, taasi oo sababtay in ciidamadu ay rasaas u furaan jihooyin kala duwan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media