Dhageyso:-Aqoonyahan ka hadlay Muhiimada Somaaliya uu u leeyahay Shirka ka furmaya sucuudiga

Aqoonyahan Somaaliyeed ayaa ka hadlay danta weyn iyo waxyaabaha ay ka faa’iideyso Somaaliya Shirka dhawaan lafilayo in uu ka furmo Magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga.

Aqoonyahan Ceydaruus Maxamed Cabdi oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa Sheegay in Somaaliya Shirkaas ay doorweyn ku leedahay maadaama Shirkaas uu yahay mid dhowr weji leh laakin hadii Somaaliya ay soo bandhigto baahideeda ay waxbadan ku guuleysan doonto.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Madaxda u meteleysa Somaaliya shirkaas ay soo hoyn doonaan guul taariikhi ah lagana yaabo in Sanada 2018 Somaaliya laga bilaabo qodista Shidaalka sida horay loogu balamay waa hadii kulanka sidii loogu talo galay uu u dhaco yuu yiri aqoonyahanka.

Gaba gabadii aqoonyahanka ayaa soo hadal qaaday Xildhibaanadii dhawaan ku midoobay Kudlada (Horusocod) waxa uuna cadeeyay in ololaha ay wadaan Xildhibaanadaas atyniyad jebineyso Shaqada dardarta leh oo ay wadaan Madaxweynaha iyo ra’iisul Wasaaraha loona baahn yahay in laga hortago.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media